< Sharciga Kunoqoshadiisa 23 >
1 Oo kii xiniinyaha ka tuman ama guska ka jaran waa inuusan shirka Rabbiga gelin.
Mwamuna aliyense wofulidwa kapena woduka chiwalo chachimuna asalowe nawo mu msonkhano wa Yehova.
2 Oo garacna waa inuusan shirka Rabbiga gelin, oo xataa hadduu toban qarni joogo farcankiisu waa inuusan shirka Rabbiga gelin.
Aliyense wobadwa mʼbanja losavomerezeka, kapena mdzukulu wake wina aliyense, ngakhale mibado khumi pambuyo pake, asalowe mu msonkhano wa Yehova.
3 Oo mid reer Cammoon ah ama mid reer Moo'aab ahu waa inuusan shirka Rabbiga gelin, xataa hadday toban qarni joogaan wax ay farcankoodu leeyihiin waa inayan weligood shirka Rabbiga gelin,
Mwamoni kapena Mmowabu asalowe mu msonkhano wa anthu a Yehova ngakhale mibado khumi yobwera pambuyo pake.
4 maxaa yeelay, markaad jidka soo socoteen, idinkama ay hor keenin kibis iyo biyo toona markaad Masar ka soo baxdeen, oo weliba waxay idiin soo kiraysteen Balcaam ina Becoor oo ka yimid Fetoor oo ku taal Mesobotamiya inuu idin habaaro aawadeed.
Pakuti iwowa sanabwere kudzakulonjerani ndi chakudya kapena madzi pamene mumadutsa pochokera ku Igupto, mʼmalo mwake anakalemba ganyu Balaamu mwana wa Beori wochokera ku Petori ku Mesopotamiya kuti akutemberereni.
5 Habase yeeshee Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu diiday inuu Balcaam dhegaysto, laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu habaarkii idiinku beddelay duco, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin jeclaa.
Komabe Yehova Mulungu wanu sanamvere Balaamu koma anatembenuza temberero kukhala dalitso kwa inu chifukwa Yehova Mulungu wanu amakukondani.
6 Cimrigiinna oo dhan waa inaydaan weligiinba iyaga u doonin nabad iyo barwaaqo toona.
Musachite nawo mgwirizano uliwonse wa mtendere pa moyo wanu wonse.
7 Waa inaydaan karhin mid reer Edom ah, maxaa yeelay, waa walaalkiin. Waana inaydaan karhin mid Masri ah, maxaa yeelay, dalkiisaad qariib ku ahaan jirteen.
Musapeputse Mwedomu pakuti ndi mʼbale wanu ndithu. Musapeputse Mwigupto chifukwa munali alendo mʼdziko lake.
8 Oo carruurta qarnigooda saddexaad u dhalataa ha soo galeen shirka Rabbiga.
Mʼbado wachitatu wa ana awo akhoza kulowa mu msonkhano wa anthu a Yehova.
9 Markaad cadaawayaashiinna kula baxdaan ciidanka waa inaad wax kasta oo shar ah iska jirtaan.
Mukamakhala pa msasa pokonzekera adani anu, musayandikane ndi china chilichonse chodetsedwa.
10 Oo hadduu idinku jiro nin aan nadiif ahayn oo habeenkii isku januubay, xerada dibadda ha uga baxo, oo waa inuusan xerada soo gelin.
Wina mwa asilikali anu akadziwonongera ndi umuna usiku, ayenera kuchoka pa msasapo ndipo akhale kunja kwa msasa.
11 Laakiinse markay casar gaabadkii tahay, biyo ha ku maydho, oo kolkii qorraxdu dhacdo, xerada ha soo galo.
Koma dzuwa likapendeka ayenera kusamba ndipo polowa dzuwa akhoza kubwerera ku msasa.
12 Oo xerada dibaddeeda waxaad ka yeelataan meel aad u baxdaan,
Mukonze malo kunja kwa msasa kumene mukhoza kukadzithandizirako.
13 oo hubkiinna waxaad la qaadataan taki, oo kolkaad dibadda saxaro u fadhiisataan waa inaad takida god ku qoddaan oo intaad dib u soo jeesataan wixii idinka soo baxay waa inaad ciid ku aastaan.
Pakati pa zida zanu muzikhala ndi china chokumbira, ndipo pokadzithandiza muzikumba kadzenje ndi kukwirira chimbudzi chanu.
14 Waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu xeradiinnuu dhex socdaa inuu idin samatabbixiyo oo uu cadaawayaashiinnana gacantiinna soo geliyo, oo sidaas daraaddeed xeradiinnu waa inay quduus ahaataa si uusan dhexdiinna ugu arag wax nijaas ah oo uusan idiinka sii jeesan.
Pakuti Yehova Mulungu wanu amayendayenda ku msasa wanu kukutchinjirizani ndi kupereka adani anu kwa inu. Nʼchifukwa chake msasa wanu uzikhala wopatulika kuti mwina angaone china chonyansa nabwerera osakuyandikirani.
15 Haddii addoon sayidkiisii ka soo cararo oo uu idiin yimaado waa inaydaan isaga sayidkiisii dib ugu celin.
Ngati kapolo wathawa mbuye wake nakabisala kwanu, musamuperekenso kwa mbuye wakeyo.
16 Isagu ha idinla joogo, oo dhexdiinna ha joogo meeshuu irdihiinna middood ka doorto oo uu jecel yahay. Waa inaydaan isaga dulmin.
Mumulole akhale pakati panu, paliponse pamene angakonde, mʼmudzi umene angasankhe ndipo musamupondereze.
17 Dumarka reer binu Israa'iil waa inaan laga helin dhillo, nimanka reer binu Israa'iilna waa inaan laga helin mid khaniis ah.
Pasapezeke Mwisraeli wamwamuna kapena wamkazi wochita chiwerewere ku Nyumba ya Mulungu.
18 Dhillo kiradeed iyo eey kiradiis toona waa inaydaan guriga Rabbiga Ilaahiinna ah u soo gelin nidar aawadiis, waayo, labadaasuba waa u karaahiyo Rabbiga Ilaahiinna ah.
Musabweretse malipiro a wachiwerewere wamkazi kapena wamwamuna Mʼnyumba ya Yehova Mulungu wanu kudzapereka za malumbiro aliwonse, chifukwa Yehova Mulungu wanu amadana ndi zimenezi.
19 Waa inaydaan walaalkiin intaad wax deymisaan korsaar ka qaadan, ha ahaadeen lacag korsaar ah, ama cunto korsaar ah, ama wax kale oo korsaar laysku deymiyo toona.
Musamalipitse mʼbale wanu chiwongoladzanja, kaya pa ndalama, kapena pa chakudya, kapena pa china chilichonse choti nʼkupereketsa chiwongoladzanja.
20 Kii shisheeye ah korsaar wax baad ku deymi kartaan, laakiinse walaalkiin waa inaydaan korsaar wax ku deymin, in Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idinku barakeeyo wax alla wixii aad gacanta ku qabataanba intaad joogtaan dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan.
Mlendo mukhoza kumulipitsa chiwongoladzanja koma osati mʼbale wanu Mwisraeli, kuti Yehova Mulungu wanu akudalitseni pa zochitika zanu zonse mʼdziko mukulowamoli.
21 Oo markaad Rabbiga Ilaahiinna ah nidar u nidartaan waa inaydaan ka raagin inaad waxaas bixisaan, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu hubaal kaas wuu idin weyddiin doonaa, oo dembi buu idinku noqon lahaa.
Mukalumbira kupereka kanthu kwa Yehova Mulungu wanu, musamachedwetse kupereka, chifukwa Yehova Mulungu wanu adzakufunsanibe kanthuko ndipo mudzapezeka wochimwa.
22 Laakiinse haddaydnan nidar gelin taasu dembi idinkuma ahaan doonto.
Koma ngati mupewa kupanga mapangano simudzapezeka ochimwa.
23 Wax alla wixii afkiinna ka soo baxay waa inaad dhawrtaan oo yeeshaan sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah ugu nidarteen, oo wixii aad ikhtiyaarkiinna afka ugu ballanqaaddeen waa inaad bixisaan.
Zilizonse zimene mulumbira ndi pakamwa panu muzitsimikiza kuzichita, chifukwa mwalumbira mwaufulu pamaso pa Yehova Mulungu wanu ndi pakamwa panu.
24 Markaad soo gashaan beerta canabka ah ee deriskiinna, canabka uga dherga si alla saad doonaysaan, laakiinse waa inaydaan weelkiinna waxba kaga qaadan.
Mukalowa mʼmunda wamphesa wa mnzanu mukhoza kudya mphesa mmene mungafunire koma musayike zina mʼdengu mwanu.
25 Oo markaad timaadaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna, sabuulka gacanta waad ku goosan kartaan, laakiinse waa inaydaan hadhuudhka taagan ee deriskiinna manjo ku gooyn.
Mukalowa mʼmunda wa tirigu wa mʼbale wanu, mukhoza kutengako ngala mʼmanja mwanu, koma osasenga tirigu ndi chikwakwa.