< Falimaha Rasuullada 1 >
1 Te'ofilosow, hadalkii hore waxaan ka qoray wax kasta oo Ciise bilaabay inuu sameeyo oo baro
尊敬的提阿非罗先生:在上一本书中,我从最初开始讲述了耶稣所行之事和所授之道,
2 ilaa maalintii sare loo qaaday isaga oo ka dambaysay wakhtiguu Ruuxa Quduuskaa ku amray rasuulladii uu doortay.
一直写到他通过圣灵向所选择的使徒发出指示,然后被带入天堂。
3 Markuu xanuunsaday dabadeed, iyagii ayuu isagoo nool waxyaalo badan oo la hubo isugu muujiyey, oo muddo afartan maalmood ah ayuu iyagii u muuqday, oo kala hadlay waxyaalaha ku saabsan boqortooyada Ilaah.
在他受难以后的四十天中,他又向使徒们显现,以令人信服的证据证明他仍然活着,还向使徒们讲述了上帝之国的一切。
4 Oo intuu iyagii la shiray, ayuu wuxuu kula dardaarmay, oo ku yidhi, Yeruusaalem ha ka tegina, laakiinse suga ballankii Aabbaha oo aad iga maqasheen,
当他与使徒们同在人间时,曾吩咐他们:“不要离开耶路撒冷,要等候天父承诺给予你们的,正如你们从我这里听到的。
5 waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.
约翰用水施洗,但在几天后,你们就会接受圣灵的施洗。”
6 Sidaas daraaddeed markay isu yimaadeen, ayay weyddiiyeen isaga oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbow, ma haddeer baad boqortooyada u soo celinaysaa Israa'iil?
所以当使徒们与复活后的耶稣相见时,便询问耶稣:“主啊,你打算现在就恢复以色列王国吗?”
7 Markaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay.
耶稣回答:“只有天父有权决定这个日期和时间,你们不必知道。
8 Laakiinse waxaad heli doontaan xoog markii Ruuxa Quduuska ahi idinku soo dego; oo markhaatiyaal ayaad iiga noqon doontaan Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo Samaariya, iyo meesha dunida ugu fog.
但当圣灵降临在你们身上,你们就会获得力量,要在耶路撒冷、犹太全地、撒玛利亚乃至大地的极点,作我的见证人。”
9 Oo kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay.
说罢,他就在使徒们的目视下腾空而起,随后被一朵云遮住了踪迹,再也无法看到。
10 Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba,
正当使徒们专心地望着耶稣升天之时,忽然出现两名白衣之人,站在他们旁边,
11 oo waxay ku yidhaahdeen, Nimankiinan reer Galiliyow, maxaad la taagan tihiin oo aad samada u eegaysaan? Ciisahan samada laydiinka sare qaaday, sidaad u aragteen isagoo samada u socda oo kale ayuu u iman doonaa.
他们问:“加利利人,你们为什么站在这里望天?这位离开你们去天堂的耶稣,将会以你们所目睹他进入天堂的方式,回到你们身边。”
12 Markaasay Yeruusaalem ku noqdeen iyagoo ka yimid buurtii Saytuun la odhan jiray, oo u dhowayd Yeruusaalem, oo u jirtay maalin sabtiyeed socodkeed.
后来,使徒们从橄榄山回到耶路撒冷,两者之间的距离大约是安息日步行那么远。
13 Oo markay magaaladii galeen, waxay aadeen qolladdii sare, meeshay joogi jireen Butros iyo Yooxanaa iyo Yacquub iyo Andaros, iyo Filibos iyo Toomas, iyo Bartolomayos, iyo Matayos, iyo Yacquub ina Alfayos, iyo Simoon Qiiroleh, iyo Yuudas ina Yacquub.
来到目的地后,他们来到了下榻之所,需要通过楼梯来走到楼上。他们是:彼得、约翰、雅各、安得烈、腓力、多马、巴多罗迈、马太、亚勒腓的儿子雅各、激进派的西门、雅各的儿子犹大。
14 Kuwaas oo dhammu, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay ku sii adkaysteen tukasho, iyaga iyo dumarka, iyo Maryan oo ahayd Ciise hooyadiis, iyo walaalihiis.
使徒们开始进行祷告,与他们一起的还有几名女性以及耶稣的母亲玛利亚和他的兄弟们。
15 Oo wakhtigaas ayaa Butros walaalaha dhexdooda istaagay (oo waxaa wada jiray dad badan oo qiyaastoodu ahayd boqol iyo labaatan); markaasuu yidhi,
这时候大约有 120 名信徒聚在一起,彼得站起来向众人发言:
16 Walaalayaalow, waxaa waajib ahaa in Qorniinku noqdo, kaas oo Ruuxa Quduuska ahu waagii hore afka Daa'uud kaga hadlay waxa ku saabsan Yuudas oo ahaa kii waday kuwii qabtay Ciise.
“兄弟姐妹们,圣灵在经文上借大卫之口,讲述了犹大带人捉拿耶稣的事,一定会应验。
17 Maxaa yeelay, isaga waa laynagu tirshay, oo shuqulkan ayuu qaybtiisii helay.
他本是我们中间的一员,共同承担这份侍奉之责。”
18 Haddaba ninkaasu meel ayuu ku iibsaday abaalgudka xaqdarradiis; oo intuu madax madax u dhacay ayuu dhexda ka kala dillaacay, oo mindhicirkiisii oo dhammuna waa ka soo daatay.
(犹大用这笔不义之财买了一块田,后来在田间一头倒了下去,身体裂开,内脏全部流了出来。
19 Kolkaasaa kuwii Yeruusaalem joogay oo dhammu ay wada ogaadeen; sidaas daraaddeed meeshaas waxaa afkooda loogu bixiyey Akeldama, taas oo micneheedu yahay, meeshii dhiigga.
住在耶路撒冷的人都知道这件事,所以那块地也被称作“亚革大马”,当地语言的意思就是“血田”)。
20 Waayo, waxaa kitaabkii Sabuurrada lagu qoray, Gurigiisu cidla' ha noqdo, Ninnana yuusan meeshaas degin; iyo Wakiilnimadiisa mid kale ha qabto.
《诗篇》中曾写到:“让他的住处变为荒芜,无人居住。”还写到:“让别人取代他的侍奉之责。”
21 Haddaba nimankii inala socday wakhti kasta intuu Rabbi Ciise ina soo dhex galay, inagana dhex baxay,
“所以,我们必须再选择一名使徒,他全程一直与我们在一起,
22 oo ka bilaabmay baabtiiskii Yooxanaa ilaa maalintii sare laynooga qaaday isaga, iyagii midkood waa inuu markhaati ina gala ahaado sarakiciddiisa.
从约翰施洗开始,直到耶稣离开我们升入天堂。我们必须选择这样一个人与我们一起,做为耶稣复活的见证人。”
23 Markaasay laba iska soo saareen, kuwaas oo ahaa Yuusuf oo la odhan jiray Barsabaas ee naanaystiisu ahayd Yuustos, iyo Matiyas.
于是他们选择了两个人:约瑟(又名巴撒巴)和马提亚,
24 Kolkaasay tukadeen oo yidhaahdeen, Rabbow, adigoo garanaya qalbiga dadka oo dhan, na tus labadan kaad dooratay,
然后众人开始共同祷告:“主啊!你知道每个人的想法, 请指示你希望从这两人中选择谁,
25 inuu galo meeshii shuqulkan iyo rasuulnimadan oo Yuudas ka dhacay inuu meeshiisa tago.
来承担这使徒的侍奉之责。犹大已放弃这责任,去了他该去的地方。”
26 Markaasay u saami riteen; saamigiina wuxuu ku dhacay Matiyas; oo isagana waxaa lagu daray koob-iyo-tobankii rasuul.
他们开始抽签,结果抽中了马提亚,于是他加入了另外 11 名使徒之列。