< Boqorradii Labaad 15 >

1 Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Casaryaah ina Amasyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.
In the twenty-seventh year of Jeroboam king of Israel, began Azariah son of Amaziah king of Judah to reign.
2 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray lix iyo toban sannadood, oo wuxuu Yeruusaalem boqor ku ahaa laba iyo konton sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yekaalyaah tii reer Yeruusaalem.
Sixteen years old, was he when he began to reign, and, fifty-two years, reigned he in Jerusalem, —and, the name of his mother, was Jecholiah, of Jerusalem.
3 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Amasyaah yeelay oo kale.
And he did that which was right in the eyes of Yahweh, —according to all that, Amaziah his father, had done.
4 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.
Only, the high places, took they not away, —still were the people sacrificing and burning incense in the high places.
5 Oo boqorkiina Rabbigaa wax ku dhuftay, haddaba tan iyo maalintii uu dhintay wuxuu ahaa barasle, oo guri gaar ah buu degay. Oo Yootam oo ahaa ina boqor ayaa reerka u talin jiray, isagoo dadkii dalka degganaa u gar qaybinaya.
And Yahweh smote the king, so that he became a leper, until the day of his death, and dwelt in a lazar-house, —and, Jotham, son of the king, was over the house, judging the people of the land.
6 Haddaba Casaryaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
Now, the rest of the story of Azariah, and all that he did, are, they, not written in the book of the Chronicles of the Kings of Judah.
7 Markaasaa Casaryaah dhintay oo la seexday awowayaashiis; oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yootam.
And Azariah slept with his fathers, and they buried him with his fathers, in the city of David, —and, Jotham his son, reigned, in his stead.
8 Oo Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Sekaryaah ina Yaaraabcaam dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa intii lix bilood ah.
In the thirty-eighth year of Azariah king of Judah, began Zechariah son of Jeroboam to reign over Israel, in Samaria, [and he reigned] six months.
9 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, siday awowayaashiis yeeli jireen oo kale; oo kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey.
And he did the thing that was wicked in the eyes of Yahweh, as did his fathers, —he turned not away from the sins of Jeroboam son of Nebat, which he caused, Israel, to commit.
10 Oo waxaa isagii shirqoolay Shalluum ina Yaabeesh, oo wax buu ku dhuftay dadka hortiisii, wuuna dilay, markaasuu meeshiisiina boqor ka noqday.
Then conspired against him, Shallum son of Jabesh, and smote him before the people, and slew him, —and reigned in his stead.
11 Haddaba Sekaryaah falimihiisii kale waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
Now, the rest of the story of Zechariah, behold it! written in the book of the Chronicles of the Kings of Israel.
12 Kanu wuxuu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Yeehuu, ee uu ku yidhi, Farcankaaga qarniga afraad ah ayaa ku fadhiisan doona carshiga dalka Israa'iil. Oo saasay noqotay.
That, was the word of Yahweh, which he spake unto Jehu, saying, Thy sons, to four generations, shall sit on the throne of Israel. And it was so!
13 Oo Shalluum ina Yaabeesh wuxuu boqor noqday Cusiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad, oo muddo bil ah ayuu Samaariya boqor ku ahaa.
Shallum the son of Jabesh, began to reign, in the thirty-ninth year of Uzziah, king of Judah, —for the space of a month in Samaria.
14 Markaasaa Menaxeem ina Gaadii ayaa ka kacay Tirsaah, oo wuxuu tegey Samaariya, markaasuu Shalluum ina Yaabeesh ku dilay Samaariya oo meeshiisii boqor ka noqday.
Then came up Menahem son of Gadi, from Tirzah, and entered Samaria, and smote Shallum son of Jabesh in Samaria, —and slew him, and reigned in his stead.
15 Haddaba Shalluum falimihiisii kale iyo shirqoolkii uu sameeyeyba waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
Now, the rest of the story of Shallum, and his conspiracy which he made, behold them! written in the book of the Chronicles of the Kings of Israel!
16 Haddaba Menaxeem wuu wada laayay Tifsax iyo wixii ku jiray oo dhan, iyo soohdimaheedii marka Tirsaah laga bilaabo, maxaa yeelay, way ka furi waayeen, sidaas daraaddeed buuna u laayay; oo naagihii uurka lahaa oo magaalada ku jiray oo dhan wuu wada dooxay.
Then, Menahem smote Tiphsah, and all that were therein, and the boundaries thereof, from Tirzah, because they opened not, therefore he smote them, —all the women therein that were with child, he ripped up.
17 Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaal iyo soddonaad ayaa Menaxeem ina Gaadii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo Samaariya ayuu toban sannadood boqor ku ahaa.
In the thirty-ninth year of Azariah king of Judah, began Menahem son of Gadi to reign over Israel, ten years [reigned he], in Samaria.
18 Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah; oo isagu wakhtigiisii oo dhan kama uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.
And he did the thing that was wicked in the eyes of Yahweh, —he turned not away from the sins of Jeroboam son of Nebat, which he caused, Israel, to commit, all his days.
19 Markaasaa waxaa waddankii ku kacay Fuul oo ahaa boqorkii Ashuur; oo Menaxeem ayaa Fuul kun talanti oo lacag ah siiyey inuu gacan ku siiyo si ay boqortooyadu ugu xoogaysato.
Pul the king of Assyria came against the land, so Menahem gave unto Pul, a thousand talents of silver, —that his hands might be with him, to confirm the kingdom, in his hand.
20 Oo Menaxeem wuxuu lacagtii saaray dadkii taajiriinta ahaa oo dalka Israa'iil oo dhan, oo wuxuu ku amray in nin waluba konton sheqel oo lacag ah bixiyo si loo siiyo boqorka Ashuur, sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur dib buu u noqday oo dalkiina siima uu joogin.
And Menahem exacted the silver of Israel, of all the mighty men of wealth, to give to the king of Assyria, fifty shekels of silver, of each man, —so the king of Assyria turned back, and stayed not there, in the land.
21 Haddaba Menaxeem falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
Now, the rest of the story of Menahem, and all that he did, are, they, not written in the book of the Chronicles of the Kings of Israel?
22 Markaasaa Menaxeem dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Fiqaxyaah.
And Menahem slept with his fathers, —and, Pekahiah his son, reigned in his stead.
23 Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kontonaad ayaa Fiqaxyaah ina Menaxeem dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba sannadood.
In the fiftieth year of Azariah king of Judah, began Pekahiah son of Menahem to reign over Israel, in Samaria, [and he reigned] two years.
24 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, oo kama uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.
And he did the thing that was wicked in the eyes of Yahweh, —he turned not away from the sins of Jeroboam son of Nebat, which he caused, Israel, to commit.
25 Oo waxaa isagii shirqoolay sirkaalkiisii Feqax ina Remalyaah ahaa oo wuxuu isagii qalcaddii guriga boqorka kula dilay Argob iyo Aryaah; oo waxaa isaga la jiray konton nin oo reer Gilecaad ah; oo markuu isagii dilay ayuu meeshiisii boqor ka noqday.
And there conspired against him—Pekah son of Remaliah, a hero of his, and smote him in Samaria, in the citadel of the house of a king, with Argob and with Arieh, and, with him, fifty men of the sons of the Gileadites, —and he slew him, and reigned in his stead.
26 Haddaba Fiqaxyaah falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
Now, the rest of the story of Pekahiah, and all that he did, behold them! written in the book of the Chronicles of the Kings of Israel!
27 Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii laba iyo kontonaad ayaa Feqax ina Remalyaah dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, oo wuxuu boqor ahaa labaatan sannadood.
In the fifty-second year of Azariah king of Judah, began Pekah son of Remaliah to reign over Israel, in Samaria, [and he reigned] twenty years.
28 Oo isaguna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.
And he did the thing that was wicked in the eyes of Yahweh, —he turned not away from the sins of Jeroboam son of Nebat, which he caused, Israel, to commit.
29 Oo wakhtigii Feqax boqorka ka ahaa dalka Israa'iil waxaa yimid Tiglad Fileser oo ahaa boqorka Ashuur, oo wuxuu qabsaday Ciyoon, iyo Aabeel Beytmacakaah, iyo Yaanoo'ax, iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Gilecaad, iyo Galili, iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, oo dadkiina maxaabiis ahaan ayuu Ashuur ugu kaxaystay.
In the days of Pekah king of Israel, came Tiglath-pileser, king of Assyria, and took Ijon, and Abel-beth-maachah, and Janoah, and Kedesh, and Hazor, and Gilead, and Galilee, all the land of Naphtali—and carried them away captive to Assyria.
30 Hoosheeca ina Eelaah ayaa Feqax ina Remalyaah shirqoolay, oo intuu wax ku dhuftay ayuu dilay, oo meeshiisiina boqor buu ka noqday sannaddii labaatanaad oo Yootam ina Cusiyaah.
And Hoshea son of Elah made a conspiracy against Pekah, son of Remaliah, and smote him, and slew him, and reigned in his stead, —in the twentieth year of Jotham, son of Uzziah.
31 Haddaba Feqax falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba waxay ku wada qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
Now, the rest of the story of Pekah, and all that he did, behold them! written in the book of the Chronicles of the Kings of Israel!
32 Feqax ina Remalyaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Yootam ina Cusiyaah dalka Yahuudah boqor ka noqday.
In the second year of Pekah son of Remaliah king of Israel, began Jotham son of Uzziah king of Judah to reign.
33 Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa lix iyo toban sannadood, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Yeruushaah ina Saadooq.
Twenty-five years old, was he, when he began to reign, and, sixteen years, reigned he, in Jerusalem, —and, the name of his mother, was Jerusha, daughter of Zadok.
34 Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, oo wuxuu wada yeelay sidii aabbihiis Cusiyaah yeelay oo kale.
And he did that which was right in the eyes of Yahweh, —according to all that Uzziah his father had done.
35 Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in, oo dadkuna weli way ku allabaryi jireen, fooxna bay ku shidi jireen meelihii sarsare. Oo isagu wuxuu dhisay iriddii sare oo gurigii Rabbiga.
Only, the high places, took they not away, still were the people offering sacrifice and burning incense in the high places, —he, built the upper gate of the house of Yahweh.
36 Haddaba Yootam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
Now, the rest of the story of Jotham, what he did, is, it, not written in the book of the Chronicles of the Kings of Judah?
37 Oo waagaas Rabbigu wuxuu bilaabay inuu dalka Yahuudah ku soo diro Resiin oo ahaa boqorkii Suuriya iyo Feqax ina Remalyaah.
In those days, began Yahweh to send against Judah, Rezin, king of Syria, —and Pekah son of Remaliah.
38 Markaasaa Yootam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii awowgiis Daa'uud, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aaxaas.
And Jotham slept with his fathers, and was buried with his fathers, in the city of David his father, —and, Ahaz his son, reigned, in his stead.

< Boqorradii Labaad 15 >