< 1 Tesaloniika 3 >
1 Sidaas daraaddeed markii aannu is-hayn kari waynay, way nala wanaagsanayd inaannu keliyahaantayo Ateenay ku hadhno;
Wherefore, when we could no longer forbear, we chose to be left at Athens alone,
2 oo waxaannu idiin soo dirnay walaalkayo Timoteyos, oo ah midiidinka Ilaah xagga injiilka Masiixa, inuu idin xoogeeyo oo idin dhiirrigeliyo xagga rumaysadkiinna,
and sent Timothy, our brother and a fellow-laborer with God in the gospel of Christ, to establish you, and to encourage you in your faith,
3 inaan dhibaatooyinkani ninna dhaqdhaqaajin, waayo, idinka qudhiinnuba waad ogsoon tihiin in tan lanoo doortay.
so that no one should be shaken by these afflictions; for yourselves know that to this we are appointed;
4 Waayo, markii aannu idinla joognay, horaannu idiinku sii sheegnay inaannu dhibtoonayno; waana sida ay noqotay, idinkuna waad og tihiin.
for even when we were with you, we told you before that we are to suffer affliction, just as it came to pass, and ye know.
5 Sababtaas daraaddeed markii aan is-hayn kari waayay, waxaan idiinku soo cid diray inaan rumaysadkiinna ogaado, waaba intaasoo kii wax jirrabi jiray idin jirrabay oo hawshayadii wax aan waxtar lahayn noqotaye.
For this cause, when I too could no longer forbear, I sent in order to know your faith, lest by some means the tempter might have tempted you, and our labor should prove in vain.
6 Laakiinse haatan markii Timoteyos nooga kiin yimid, wuxuu noo keenay warka wanaagsan oo ku saabsan rumaysadkiinna iyo jacaylkiinna, iyo inaad kol kasta si wanaagsan noo xusuusataan idinkoo xiiso u qaba inaad na aragtaan sida aannu annaguba xiiso ugu qabno inaannu idin aragno;
But when Timothy just now came to us from you, and brought us good tidings of your faith and love, and that ye have good remembrance of us always, desiring greatly to see us, as we also to see you;
7 sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis;
for this cause, brethren, we were comforted over you in all our distress and affliction by your faith;
8 maxaa yeelay, haatan annagu waa nool nahay haddaad xagga Rabbiga ku xoogaysataan.
for now we live, if ye stand fast in the Lord.
9 Waayo, mahad intee le'eg baannu Ilaah ugu naqi karnaa idinka aawadiin iyo farxaddii oo dhan oo aannu ku faraxnay Ilaahayaga hortiisa idinka aawadiin?
For what thanks can we render to God for you, for all the joy wherewith we rejoice for your sakes before our God;
10 Habeen iyo maalinba aad iyo aad baannu Ilaah u baryaynaa inaannu wejigiinna aragno oo aannu dhammaystirno waxa ka dhiman rumaysadkiinna.
night and day praying exceedingly that we may see your face, and may supply that which is lacking in your faith?
11 Haddaba Ilaaha ah Aabbeheenna iyo Rabbigeenna Ciise qudhiisu jidkayaga xaggiinna ha ku soo toosiyeen.
Now God himself, our Father, and our Lord Jesus direct our way to you;
12 Rabbigu ha idiin kordhiyo oo ha idiin badiyo jacaylka midkiinba midka kale u qabo iyo dadka kale oo dhanba, sida aan annaguba idiin jecel nahay,
and the Lord make you to increase and abound in love toward one another and toward all, even as we do in love toward you;
13 inuu xoogeeyo qalbiyadiinna iyagoo aan ceeb lahayn oo quduusnimo ku jira Ilaaheenna oo ah Aabbeheenna hortiisa, goortii Rabbigeenna Ciise la yimaado quduusiintiisa oo dhan.
in order that he may establish your hearts unblamable in holiness before God, our Father, at the coming of our Lord Jesus with all his holy ones.