< Књига пророка Захарије 8 >
1 Опет дође реч Господа над војскама говорећи:
Markaasaa Eraygii Rabbiga ciidammadu ii yimid, isagoo leh,
2 Овако вели Господ над војскама: Ревнујем за Сион великом ревношћу, и великим гневом ревнујем за њ.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn.
3 Овако вели Господ: Вратих се у Сион и населих се усред Јерусалима, и Јерусалим ће се звати град истинити, и гора Господа над војскама света гора.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Siyoon baan ku soo noqday, oo waxaan degganaan doonaa Yeruusaalem dhexdeeda, oo Yeruusaalem waxaa lagu odhan doonaa Magaaladii runta, oo buurta Rabbiga ciidammadana waxaa lagu odhan doonaa Buurta quduuska ah.
4 Овако вели Господ над војскама: Опет ће седети старци и старице по улицама јерусалимским, свако са штаком у руци од велике старости.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis.
5 И улице ће градске бити пуне детића и девојака, које ће се играти по улицама.
Oo magaalada jidadkeedana waxaa ka buuxi doona wiilal iyo gabdho oo jidadka dhexdooda ku cayaaraya.
6 Овако вели Господ над војскама: Ако је чудно у очима остатку тог народа у ово време, еда ли ће бити чудно и у мојим очима? Говори Господ над војскама.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas hadday yaab ku tahay dadkan kuwooda hadhay, ma yaab bay ku ahaanayaan indhahayga?
7 Овако вели Господ над војскама: Ево, ја ћу избавити свој народ из земље источне и земље западне.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadkaygaan ka badbaadin doonaa dalka bari iyo dalka galbeed.
8 И довешћу их, и они ће наставати усред Јерусалима, и биће ми народ и ја ћу им бити Бог, истином и правдом.
Waanan keeni doonaa, oo Yeruusaalem way dhex degganaan doonaan, oo dadkaygii way noqon doonaan oo anna waxaan noqon doonaa Ilaahooda anoo leh daacadnimo iyo xaqnimo.
9 Овако вели Господ над војскама: Нека вам се укрепе руке који слушате у ово време ове речи из уста пророчких од дана кад се основа дом Господа над војскама да се сазида црква.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.
10 Јер пре тих дана не беше плате ни за човека ни за живинче, нити беше мира од непријатеља ни ономе који одлажаше ни ономе који долажаше и пустих све људе једног на другог.
Waayo, wakhtigaas ka hor ninna kiro ma lahayn, neefna kiro ma lahayn innaba, oo kii baxay iyo kii galay toona nabadu uma jirin cadowga daraaddiis, waayo, dadka oo dhan nin kasta waxaan ku diray deriskiisa.
11 А сада нећу бити као пре остатку тог народа, говори Господ над војскама.
Laakiinse Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haatan dadkan hadhay sidii waagii hore u ahaan maayo.
12 Него ће усев бити миран, винова ће лоза носити плод свој, и земља ће рађати род свој, и небо ће давати росу своју; и све ћу то дати у наследство остатку тог народа.
Waayo, waxaa jiri doona iniintii nabadda. Geedcanabkuna canabkiisuu dhali doonaa, oo dhulkuna midhihiisuu soo bixin doonaa, oo samooyinkuna sayaxay soo deyn doonaan, oo waxaan ka dhigi doonaa in kuwa dadkan ka hadhay ay waxyaalahan oo dhan dhaxlaan.
13 И као што бејасте уклин међу народима, доме Јудин и доме Израиљев, тако ћу вас избавити те ћете бити благослов, не бојте се, нека вам се окрепе руке.
Dadka dalka Yahuudahow, iyo dadka dalka Israa'iilow, sidaad quruumaha habaar ugu dhex ahaydeen ayaan idiin badbaadin doonaa, oo barako baad ku ahaan doontaan. Ha cabsanina, laakiinse gacmihiinnu xoog ha yeesheen.
14 Јер овако вели Господ над војскама: Као што вам намислих зло учинити, кад ме разгневише оци ваши, Вели Господ над војскама, и не раскајах се,
Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Sidii waagii ay awowayaashiin iiga xanaajiyeen oo aan ugu fikiray inaan iyaga wax xun ku sameeyo, oo aanan taas uga soo noqon,
15 Тако опет у ове дане намислих да добро чиним Јерусалиму и дому Јудином; не бојте се.
sidaas oo kale ayaan haatan ku fikiray inaan wax wanaagsan ku sameeyo Yeruusaalem iyo dadka dalka Yahuudah, haddaba ha cabsanina.
16 Ово је шта треба да чините: говорите истину један другом, судите право и мирно на вратима својим;
Idinku waxaad samaysaan waxyaalahan, ninkiin kastaaba deriskiisa run ha kula hadlo, oo waxaad irdihiinna ku naqdaan garsoorid run ah oo nabad keenta,
17 И не мислите један другом зло у срцу свом, и не љубите криве заклетве, јер на све то мрзим, говори Господ.
oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin deriskiisa, oo ha jeclaanina dhaar been ah, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahan oo dhammu waa waxyaalo aan necbahay.
18 Потом, дође ми реч Господа над војскама говорећи;
Oo waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga ciidammada, isagoo leh,
19 Овако вели Господ над војскама: Пост четвртог месеца, и пост петог и пост седмог и пост десетог обратиће се дому Јудином у радост и весеље и у празнике веселе; али љубите истину и мир.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Soonkii bisha afraad iyo soonkii bisha shanaad iyo soonkii bisha toddobaad iyo soonkii bisha tobnaadba waxay dadka dalka Yahuudah u noqon doonaan farxad iyo rayrayn iyo iido lagu rayreeyo, haddaba sidaas daraaddeed jeclaada runta iyo nabadda.
20 Овако вели Господ над војскама: Још ће долазити народи и становници многих градова;
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Mar kale waxaa iman doona dadyow iyo kuwo magaalooyin badan deggan.
21 Долазиће становници једног у други говорећи. Хајдемо да се молимо Господу и да тражимо Господа над војскама; идем и ја.
Oo magaalo dadka deggan waxay u tegi doonaan dad magaalo kale deggan, oo waxay ku odhan doonaan, Ina keena aynu dhaqsiyo Rabbiga u barinnee, oo aynu Rabbiga ciidammada doondoonnee, oo aniguna waan tegi doonaa.
22 Тако ће доћи многи народи и силни народи да траже Господа над војскама у Јерусалиму и да се моле Господу.
Dadyow badan iyo quruumo xoog badanuba waxay u soo kici doonaan inay Yeruusaalem ka doondoonaan Rabbiga ciidammada, iyo inay Rabbiga baryaan.
23 Овако вели Господ над војскама: У то ће време десет људи од свих језика народних ухватити једног Јудејца за скут говорећи: Идемо с вама, јер чујемо да је Бог с вама.
Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas toban nin oo ka mid ah quruumaha oo dhammu waxay ku dhegi doonaan mid Yuhuud ah darafka dharkiisa, iyagoo leh, Annagu waannu idin raaci doonnaa, waayo, waxaannu maqalnay in Ilaah idinla jiro.