< 1 Мојсијева 46 >
1 Тада пође Израиљ са свим шта имаше, и дошав у Вирсавеју принесе жртву Богу оца свог Исака.
Markaasaa Israa'iil la guuray wixii uu haystay oo dhan, oo wuxuu yimid Bi'ir Shebac, oo halkaasuu Ilaaha aabbihiis Isxaaq allabaryo ugu bixiyey.
2 И Бог рече Израиљу ноћу у утвари: Јакове! Јакове! А он одговори: Ево ме.
Markaasaa Ilaah riyooyinka habeenka kula hadlay Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Yacquubow, Yacquubow. Isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
3 И Бог му рече: Ја сам Бог, Бог оца твог; не бој се отићи у Мисир; јер ћу онде начинити од тебе народ велик.
Markaasuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay Ilaaha ah Ilaaha aabbahaa. Ha ka baqin inaad Masar ku dhaadhacdo, waayo, anigu halkaas baan kaaga dhigi doonaa quruun weyn.
4 Ја ћу ићи с тобом у Мисир, и ја ћу те одвести онамо, и Јосиф ће метнути руку своју на очи твоје.
Anigu Masar baan kuu raaci doonaa, oo hubaal haddana waan kaa soo bixin doonaa; Yuusufna gacantiisuu saari doonaa indhahaaga.
5 И пође Јаков од Вирсавеје; и синови Израиљеви посадише Јакова, оца свог и децу своју и жене своје на кола која посла Фараон по њ.
Markaasaa Yacquub ka tegey Bi'ir Shebac, wiilashii Israa'iilna waxay aabbahood Yacquub, iyo dhallaankoodii, iyo dumarkoodiiba ku qaadeen gaadhifardoodkii Fircoon u soo diray in isaga lagu soo qaado.
6 И узеше стоку своју и благо своје што беху стекли у земљи хананској; и дођоше у Мисир Јаков и сва породица његова.
Oo waxay kaxaysteen xoolahoodii, iyo alaabtoodii ay ka heleen dalkii Kancaan, oo waxayna yimaadeen Masar, Yacquub iyo farcankiisii la socday oo dhammuba;
7 Синове своје и синове синова својих, кћери своје и кћери синова својих, и сву породицу своју доведе са собом у Мисир.
kuwaas oo ahaa wiilashiisii iyo wiilashiisii wiilashoodii isaga la socday, iyo gabdhihiisii iyo wiilashiisii gabdhahoodii. Farcankiisii oo dhanna wuxuu keenay Masar.
8 А ово су имена деце Израиљеве што дођоше у Мисир: Јаков и синови његови. Првенац Јаковљев Рувим;
Kuwanu waa magacyadii reer binu Israa'iil oo Masar yimid, Yacquub iyo wiilashiisii: Ruubeen wuxuu ahaa curadkii Yacquub.
9 И синови Рувимови: Енох, Фалуј, Есрон и Хармија.
Wiilashii Ruubeenna waxay ahaayeen Xanoog, iyo Falluu, iyo Xesroon, iyo Karmii.
10 А синови Симеунови: Јемуило, Јамин, Аод, Јахин, Соар и Саул, син једне Хананејке.
Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Yemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Ohad, iyo Yaakiin, iyo Sohar, iyo Shaa'uul oo ay naag reer Kancaan ihi dhashay.
11 Синови Левијеви: Гирсон, Кат и Мерарије.
Wiilashii Laawina waxay ahaayeen Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.
12 Синови Јудини: Ир, Авнан, Силом, Фарес и Зара; а умрли беху Ир и Авнан у земљи хананској, али беху синови Фаресови Есром и Јемуило.
Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul.
13 Синови Исахарови: Тола, Фува, Јов, и Симрон.
Wiilashii Isaakaarna waxay ahaayeen Toolac iyo Fuwaah, iyo Yoob, iyo Shimroon.
14 Синови Завулонови: Серед, Алон, и Ахојило.
Wiilashii Sebulunna waxay ahaayeen Sered, iyo Eeloon, iyo Yaxle'eel.
15 То су синови Лијини, које роди Јакову у Падан-Араму, и јоште Дина кћи његова. Свега душа, синова његових и кћери његових беше тридесет и три.
Intaasu waa wiilashii Lee'ah oo ay Yacquub ugu dhashay Fadan Araam, iyo weliba gabadhiisii Diinah ahayd. Yacquub wiilashiisa iyo gabdhihiisa oo dhammu waxay ahaayeen saddex iyo soddon.
16 Синови Гадови: Сифон, Агије, Суније, Есвон, Ирије, Ародије и Арилије.
Wiilashii Gaadna waxay ahaayeen Sifiyoon, iyo Xaggii, iyo Shuunii, iyo Esboon, iyo Ceerii, iyo Aroodii, iyo Areelii.
17 Синови Асирови: Јемна, Јесва, Јесвија и Верија, и сестра њихова Сара. А синови Веријини Ховор и Мелхило.
Wiilashii Aasheerna waxay ahaayeen Yimnaah, iyo Yishwaah, iyo Yishwii, iyo Beriicaah, iyo walaashood Serax; wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber iyo Malkii'eel.
18 То су синови Зелфе, коју даде Лаван Лији кћери својој, и она их роди Јакову, шеснаест душа.
Kuwanu waa wiilashii Silfah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Lee'ah, oo intaasay Yacquub u dhashay, waxayna ahaayeen lix iyo toban.
19 А синови Рахиље жене Јаковљеве: Јосиф и Венијамин.
Naagtii Yacquub oo Raaxeel ahayd wiilasheedii waxay ahaayeen Yuusuf iyo Benyaamiin.
20 А Јосифу се родише у Мисиру од Асенете, кћери Потифере свештеника онског: Манасија и Јефрем.
Yuusufna dalka Masar waxaa ugu dhashay Manaseh iyo Efrayim, oo waxaa u dhashay Aasenad ina Footiiferac, oo wadaadkii Oon ahaa.
21 А синови Венијаминови: Вела, Вехер, Асвил, Гира, Наман, Ихије, Рос, Мупим, Упим и Арад.
Wiilashii Benyaamiinna waxay ahaayeen Belac, iyo Beker, iyo Ashbeel, iyo Geeraa, iyo Nacamaan, iyo Eexii, iyo Rosh, iyo Mufiim, iyo Xufiim, iyo Ared.
22 То су синови Рахиљини што се родише Јакову, свега четрнаест душа.
Kuwanu waa wiilashii Raaxeel u dhashay Yacquub, kulligoodna waxay ahaayeen afar iyo toban.
Wiilashii Daanna waxay ahaayeen Xushiim.
24 А синови Нефталимови: Асило, Гуније, Јесер и Силим.
Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxse'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shilleem.
25 То су синови Вале, коју даде Лаван Рахиљи кћери својој и она их роди Јакову; свега седам душа.
Kuwanuna waa wiilashii Bilhah, tii uu Laabaan siiyey gabadhiisii Raaxeel, oo intaasay Yacquub u dhashay; kulligoodna waxay ahaayeen toddoba.
26 А свега душа што дођоше с Јаковом у Мисир, а изађоше од бедара његових, осим жена синова Јаковљевих, свега душа беше шездесет и шест.
Intii Yacquub Masar la timid, oo xanjaadkiisa ka soo baxday, haddaan lagu darin wiilashii Yacquub naagahooda, kulligood waxay ahaayeen lix iyo lixdan.
27 И два сина Јосифова који му се родише у Мисиру; свега дакле душа дома Јаковљевог, што дођоше у Мисир, беше седамдесет.
Wiilashii Yuusuf Masar ugu dhashayna waxay ahaayeen laba. Reerkii Yacquub dadkiisii Masar yimid oo dhammu waxay ahaayeen toddobaatan.
28 А Јуду посла Јаков напред к Јосифу, да му јави да изађе преда њ у Гесем. И дођоше у земљу гесемску.
Markaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen.
29 А Јосиф упреже у кола своја, и изађе на сусрет Израиљу оцу свом у Гесем; и кад га виде Јаков, паде му око врата, и плака дуго о врату његовом.
Yuusufna wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo aabbihiis Israa'iil ayuu kaga hor tegey Goshen; oo markuu isagii arkay ayuu qoortiisii dhab yidhi, qoortiisana wuxuu ku dul ooyay wakhti dheer.
30 И рече Израиљ Јосифу: Сада не марим умрети кад сам те видео да си јоште жив.
Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Haddaba aan iska dhinto, mar haddaan arkay wejigaaga, oo aad weli nooshahay.
31 А Јосиф рече браћи својој и дому оца свог: Идем да јавим Фараону; али ћу му казати: Браћа моја и дом оца мог из земље хананске дођоше к мени;
Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid.
32 А ти су људи пастири и свагда су се бавили око стоке, и доведоше овце своје и говеда своја и шта год имају.
Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan.
33 А кад вас Фараон дозове, рећи ће вам: Какву радњу радите?
Markii Fircoon idiin yeedho, oo idinku yidhaahdo, Shuqulkiinnu waa maxay?
34 А ви кажите: Пастири су биле слуге твоје од младости, и ми и стари наши; да бисте остали у земљи гесемској; јер су Мисирцима сви пастири нечисти.
waxaad ku tidhaahdaan, Annagoo addoommadaada ah waxaannu tan iyo yaraantayadii ahaan jirnay lo'ley, annaga iyo awowayaashayoba; si aad u degtaan dalka Goshen; waayo, adhijir waluba waa u karaahiyo Masriyiinta.