< 2 Мојсијева 23 >

1 Не износи лажних гласова; не пристај с безбожником да сведочиш криво.
Waa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaqdaran noqone.
2 Не иди за множином на зло, и не говори на суду поводећи се за већим бројем да се изврне правда.
Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan,
3 Сиромаху у парници његовој не гледај што је сиромах.
waana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.
4 Ако наиђеш на вола непријатеља свог или на магарца његовог, где је залутао, одведи га к њему.
Haddaad aragtid cadowgaaga dibigiisii ama dameerkiisii oo lumaya, waa inaad u celisaa.
5 Ако видиш где је ненавиднику твом пао магарац под теретом својим, немој да га оставиш, него му помози.
Haddaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.
6 Немој изврнути правде сиромаху свом у парници његовој.
Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.
7 Речи лажне клони се, и безазленог и правог немој убити, јер нећу оправдати безбожника.
Wax been ah ka fogow; oo ha dilin mid aan eed lahayn iyo kan xaqa ah; waayo, anigu xaq ka dhigi maayo kan shar fala.
8 Не узимај поклона, јер поклон заслепљује окате и изврће речи правима.
Oo waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa.
9 Дошљаке не цвели, јер ви знате каква је душа дошљаку, јер сте били дошљаци у земљи мисирској.
Oo qariib waa inaadan dulmin; waayo, qalbiga qariibka waad garanaysaan, maxaa yeelay, idinba qariib baad dalkii Masar ku ahaydeen.
10 Шест година засејавај земљу своју и сабирај род њен;
Lix sannadood waa inaad dhulkaaga wax ku abuurtaa oo midhihiisa urursataa,
11 А седме године остави је нека почине, да једу сиромаси народа твог, а шта иза њих остане нека једу звери пољске; тако ради и с виноградом својим и с маслиником својим.
laakiinse sannadda toddobaad waa inaad iska daysaa ha nasto, oo dhul aan beernayn ha noqdee, inay masaakiinta dadkaagu wax ka cunaan; oo waxay reebaanna dugaagga duurku ha daaqeen. Oo sidaas oo kalena waa inaad u gashaa beertaada canabka ah iyo beertaada saytuunka ah.
12 Шест дана ради послове своје, а у седми дан почини, да се одмори во твој и магарац твој, и да одахне син робиње твоје и дошљак.
Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.
13 Држите се свега што сам вам казао. Не помињите имена богова туђих, и да се не чује из уста ваших.
Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.
14 Три пута преко године светкуј ми:
Oo sannad walba saddex goor waa inaad ii iiddaa.
15 Празник пресних хлебова држи; седам дана једи хлебове пресне, као што сам ти заповедио, на време, месеца Авива, јер си тада изашао из Мисира; и нико да не изађе преда ме празан;
Oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn waa inaad dhawrtaa. Toddoba maalmood waa inaad cuntaa kibis aan khamiir lahayn, sidii aan kugu amray wakhtigii la yidhi oo bisha Aabiib ah, maxaa yeelay, bishaas ayaad Masar ka soo baxday; oo midkiinna hortayda yuusan iman isagoo faro madhan.
16 И празник жетве првина од труда твог што посејеш у пољу свом; и празник бербе на свршетку сваке године, кад сабереш труд свој с њиве.
Oo waa inaad dhawrtaa Iiddii Beergoosadka oo ah midhihii ugu horreeyey hawshaada aad beerta ku abuurtay, iyo Iiddii Wax urursiga oo sannadda dhammaadkeeda ah, marka aad soo urursatid midhihii aad beerta ku hawshootay.
17 Три пута преко године све мушкиње твоје да излази пред Господа Бога.
Kuwaaga labka ah oo dhammu waa inay sannad walba saddex goor Rabbiga Ilaaha ah ka hor yimaadaan.
18 Крв од жртве моје не приноси уз хлебове киселе, и претилина празника мог да не преноћи до јутра.
Oo waa inaadan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh; baruurta iiddayduna waa inaanay hadhin habeenka oo dhan ilaa subaxda.
19 Првине од првог рода земље своје донеси у кућу Господа Бога свог; немој кувати јагњета у млеку мајке његове.
Oo dhulkaaga midhaha ugu horreeya waa inaad inta hore guriga Rabbiga Ilaahaaga ah geeysaa. Waa inaadan waxar caanaha hooyadiis ku karin.
20 Ево, ја шаљем анђела свог пред тобом да те чува на путу, и да те одведе на место које сам ти приправио.
Bal eeg, waxaan hortaada u soo dirayaa malaa'ig, inay jidka kugu dhawrto oo ay meeshii aan diyaarshay ku geeyso.
21 Чувај га се, и слушај га, немој да га расрдиш, јер вам неће опростити грех, јер је моје име у њему.
Iyada iska jira, oo codkeeda dhegaysta, hana ka xanaajinina, waayo, iyadu xadgudubkiinna idinkama cafiyi doonto; maxaa yeelay, iyada magacaygii baa ku dhex jira.
22 Него ако га добро узаслушаш и уствориш све што кажем, ја ћу бити непријатељ твојим непријатељима и противник твојим противницима.
Laakiinse xaqiiqa haddaad codkeeda dhegaysatid, oo aad yeeshid kulli waxa aan ku hadlayo, de markaas waxaan noqon cadaawayaashaada cadowgooda, oo kuwa ku dhibana mid dhiba iyaga.
23 Јер ће анђео мој ићи пред тобом и одвешће те у земљу аморејску и хетејску и ферезејску и хананејску и јевејску и јевусејску, и ја ћу их истребити.
Waayo, malaa'igtaydu way ku hor socon doontaa, oo waxay ku dhex geeyn doontaa reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feres, iyo reer Kancaan, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus; oo kolkaasaan iyaga baabbi'in doonaa.
24 Немој се клањати боговима њиховим нити им служити, ни чинити шта они чине, него их сасвим обори и ликове њихове сасвим изломи.
Waa inaadan u sujuudin ilaahyadooda, hana u adeegin, shuqulkooda oo kalena ha samayn; laakiinse waa inaad wada afgembidaa, oo aad sanamyadoodana jejebisaa.
25 И служите Господу Богу свом, и Он ће благословити хлеб твој и воду твоју; и уклонићу болест између вас.
Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u adeegtaan, oo isaguna wuu idiin barakayn doonaa kibistiinna iyo biyihiinna; oo anna cudur waan ka fogayn doonaa dhexdiinna.
26 Неће бити пометкиње ни нероткиње у земљи твојој; и број дана твојих напунићу.
Oo dhulkaaga dhexdiisa miduna dhicis ma dhali doonto, ama madhalays ma noqon doonto, oo tirada maalmahaaga waan dhammaystiri doonaa.
27 Пустићу страх свој пред тобом, и уплашићу сваки народ на који дођеш, и обратићу к теби плећи свих непријатеља твојих.
Oo cabsidaydaan ku hor marin doonaa, oo dadka aad u tegaysid oo dhan waan argaggixin doonaa, oo waxaan cadaawayaashaada oo dhan ka dhigi doonaa inay dhabarkooda kaa sii jeediyaan.
28 Послаћу и стршљене пред тобом, да терају Јевеје, Хананеје и Хетеје испред тебе.
Oo waxaan hortaa diri doonaa xoon, kaas oo reer Xiwi, iyo reer Kancaan, iyo reer Xeed hortaada ka eryi doona.
29 Нећу их отерати испред тебе за једну годину, да не опусти земља и да се зверје пољско не намножи на тебе.
Oo iyaga sannad uun hortaada ka eryi maayo, waayo, waaba intaasoo dhulku cidla noqdaa, oo dugaagga duurku kugu bataa.
30 Помало ћу их одгонити испред тебе докле се не намножиш и заузмеш земљу.
In yar in yar ayaan hortaada ka eryi doonaa, ilaa aad adigu badatid oo aad dalka dhaxashid.
31 И поставићу међе твоје од мора црвеног до мора филистејског и од пустиње до реке; јер ћу вама у руке дати оне који живе у оној земљи да их отераш испред себе.
Oo waxaan soohdintaada ka dhigi doonaa Badda Cas iyo tan iyo badda reer Falastiin, iyo cidlada ilaa tan iyo Webiga, waayo, dadka dhulka deggan waxaan gelin doonaa gacantaada, markaasaad hortaada ka eryi doontaa.
32 Немој хватати вере с њима ни с боговима њиховим.
Waa inaadan axdi la dhigan iyaga iyo ilaahyadooda toona.
33 Нека не седе у земљи твојој, да те не наврате да се огрешиш о мене, јер би служио боговима њиховим, и то би ти била замка.
Waa inayan iyagu dalkaaga degganaan, waaba intaasoo ay igu kaa dembaajiyaane, waayo, haddaad ilaahyadooda u adeegtid, hubaal waxay taasu kugu noqon doontaa dabin.

< 2 Мојсијева 23 >