< Иосуа 16 >
1 Партя кэзутэ ла сорць фиилор луй Иосиф се ынтиндя де ла Йордан, лынгэ Иерихон, спре апеле Иерихонулуй, ла рэсэрит. Хотарул урма пустиул каре се ридикэ де ла Иерихон ла Бетел прин мунте.
Oo reer Yuusuf qaybtoodiina wuxuu ka bilaabmay Webi Urdun oo Yerixoo ku ag yaal, biyaha Yerixoo dhankooda bari, taasoo ah xagga cidlada, iyo markii laga tago Yerixoo oo la dhex maro dalka buuraha leh ilaa Beytel,
2 Мерӂя май департе де ла Бетел ла Луз ши тречя спре хотарул аркицилор прин Атарот.
oo wuxuu ka baxay Beytel ilaa Luus, oo wuxuu sii maray ilaa soohdinta reer Arkii iyo ilaa Cataarood;
3 Апой се кобора ла апус спре хотарул иафлетицилор пынэ ла хотарул Бет-Хоронулуй де жос ши пынэ ла Гезер, ешинд ла маре.
oo wuxuu dhanka galbeed ka maray soohdinta reer Yaafleetii iyo ilaa soohdinta Beytxooroonta hoose iyo tan iyo xataa Geser; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda.
4 Аколо шь-ау примит моштениря фиий луй Иосиф: Манасе ши Ефраим.
Oo reer Yuusuf, oo ahaa reer Manaseh iyo reer Efrayim, dhaxalkoodii way qaateen.
5 Ятэ хотареле фиилор луй Ефраим, дупэ фамилииле лор. Хотарул моштенирий лор ера ла рэсэрит Атарот-Адар пынэ ла Бет-Хоронул де сус.
Oo reer Efrayim sidii ay reerahoodu ahaayeen soohdintoodii sidan bay ahayd; dalkii ay dhaxalka u heleen dhinaca bari waxaa u xigay Cataarood Addaar, iyo Beytxooroonta sare;
6 Ешя спре маре ла Микметат, ын партя де мязэноапте, се ынторчя ла рэсэрит пынэ ла Таанат-Сило ши тречя ынспре рэсэрит прин Ианоах.
oo soohdintu waxay galbeed ka mari jirtay Mikmetaah tan ku taal xagga woqooyi, oo soohdintu waxay ka soo wareegtay oo bari ka martay Ta'anad Shiloh, oo waxay bari ka martay Yaanooxaah;
7 Дин Ианоах кобора ла Атарот ши ла Наарата, атинӂя Иерихонул ши мерӂя пынэ ла Йордан.
oo intay Yaanooxaah ka tagto ayay sii martay Cataarood, iyo ilaa Nacaraah, oo waxay gaadhay Yerixoo, markaasay ka sii baxday Webi Urdun.
8 Дин Тапуах мерӂя спре апус, пынэ ла пырыул Кана, ши ешя ла маре. Ачаста а фост моштениря семинцией фиилор луй Ефраим, дупэ фамилииле лор.
Oo xagga Tafuu'axna soohdintu waxay galbeed ka sii martay durdurka reer Qaanaah; oo waxaa dhammaadkeedu ahaa xagga badda. Intaasu waa dhaxalkii reer Efrayim qabiilkoodii u heleen sidii reerahoodii ay ahaayeen,
9 Фиий луй Ефраим авяу ши четэць деосебите ын мижлокул моштенирий фиилор луй Манасе, тоате ку сателе лор.
iyo xataa kulli magaalooyinkii loo soocay reer Efrayim ee ku dhex yiil dhaxalkii reer Manaseh, kuwaas oo ahaa magaalooyinkii oo dhan iyo tuulooyinkoodii.
10 Ей н-ау изгонит пе канааниций каре локуяу ын Гезер, ши канааниций ау локуит ын мижлокул луй Ефраим пынэ ын зиуа де азь, дар ау фост пушь сэ плэтяскэ ун бир.
Oo ma ay eryin reer Kancaankii degganaa Geser; laakiinse reer Kancaan waxay dhex degganaayeen reer Efrayim ilaa maantadan la joogo, oo waxay u noqdeen addoommo u hawshooda.