< Rodzaju 38 >

1 I stało się czasu onego, że Judas odszedł od braci swej, i wstąpił do niektórego męża Odolamickiego, którego imię było Chyra.
Oo waagaas waxay noqotay inuu Yahuudah ka tegey walaalihiis, oo wuxuu u leexday nin magiciisa la odhan jiray Xiirah oo reer Cadullaam ah.
2 I ujrzał tam Judas córkę męża Chananejskiego, którego zwano Sua; a pojąwszy ją, wszedł do niej.
Markaasaa Yahuudah wuxuu halkaas ku arkay nin reer Kancaan ah oo magiciisa la odhan jiray Shuuca gabadhiisii. Kolkaasuu kaxaystay iyadii oo uu u tegey.
3 A ona począwszy porodziła syna, i nazwała imię jego Her.
Wayna uuraysatay oo waxay dhashay wiil, magiciisiina wuxuu u bixiyey Ceer.
4 Zasię począwszy porodziła syna, i nazwała imię jego Onan.
Oo haddana mar kalay uuraysatay oo waxay dhashay wiil; magiciisiina waxay u bixisay Oonaan.
5 Nad to jeszcze urodziła syna, i nazwała imię jego Sela; a Judas był w Chezybie, gdy mu urodziła.
Oo weliba haddana wiil kalay dhashay, magiciisiina waxay u bixisay Sheelaah; oo isna wuxuu joogay Kesiib, markay dhashay isaga.
6 I dał Judas żonę Herowi pierworodnemu swemu, której imię było Tamar.
Markaasaa Yahuudah naag u guuriyey curadkiisii ahaa Ceer, magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar.
7 I był Her, pierworodny Judasów, zły w oczach Pańskich, i zabił go Pan.
Yahuudah curadkiisii ahaa Ceer waa ku xumaa Rabbiga hortiisa; Rabbiguna waa dilay isagii.
8 Tedy rzekł Judas do Onana: Wnijdź do żony brata twego, a złącz się z nią prawem powinowactwa, i wzbudź nasienie bratu twemu.
Markaasaa Yahuudah wuxuu ku yidhi Oonaan, Naagta walaalkaa u tag oo dumaal, oo ku samee wixii ninkeeda walaalkiis ku samayn lahaa, oo farcan u reeb walaalkaa.
9 Lecz wiedząc Onan, iż to potomstwo nie jemu być miało, gdy wchodził do żony brata swego, tracił z siebie nasienie na ziemię, aby nie wzbudził potomstwa bratu swemu.
Oonaanna wuu ogaa inaan farcanku kiisii noqonayn, oo markuu u tegey naagtii walaalkiis ayuu shahwadiisii ku daadiyey dhulka, si uusan farcan u siin walaalkiis.
10 I nie podobało się to Panu, co Onan czynił; przeto go też Pan zabił.
Wixii uu sameeyeyna Rabbiga hortiisa aad buu ugu xumaa; oo markaasuu isagiina dilay.
11 Zatem rzekł Judas do Tamary, niewiasty swej: Mieszkaj wdową w domu ojca twego, aż urośnie Sela, syn mój, bo rzekł: By on też snać nie umarł jako bracia jego. I odeszła Tamar, i mieszkała w domu ojca swego.
Markaasuu Yahuudah ku yidhi gabadhii Taamaar oo uu soddogga u ahaa, Carmalnimo ku joog guriga aabbahaa, ilaa uu wiilkayga Sheelaah koro; waayo, wuxuu isyidhi, Waaba intaasoo uu isna dhintaa sidii walaalihiis. Kolkaasay Taamaar tagtay oo gurigii aabbeheed joogtay.
12 A gdy minęło wiele dni, umarła córka Suego, żona Judasowa; i pocieszywszy się Judas, szedł do tych, co strzygli owce jego, sam i Chyra, towarzysz jego, Odolamita, do Timnat.
Wakhti dheer ka dib waxaa dhimatay Shuuca gabadhiisii oo ahayd naagtii Yahuudah. Markaasaa Yahuudah loo tacsiyeeyey, oo wuxuu tegey xagga kuwii idihiisa dhogorta ka xiiri jiray oo joogay Timnaad, isaga iyo saaxiibkiis Xiirah kii reer Cadullaamba.
13 I oznajmiono to Tamarze, mówiąc: Oto, świeker twój idzie do Timnat, aby strzygł owce swoje.
Markaasaa Taamaar loo sheegay, oo waxaa lagu yidhi, Bal eeg, soddoggaa wuxuu tegayaa xagga Timnaad inuu idihiisii dhogorta ka soo xiirto.
14 Która złożywszy z siebie szaty wdowieństwa swego, okryła się rąbkiem, i zatknęła się, i usiadła na rozstaniu drogi, która wiedzie do Timnat; bo widziała, że był urósł Sela, a ona nie była mu dana za żonę.
Markaasay iska dhigtay dharkii carmalinimadeeda, oo waxay hagoogatay indhashareerteedii, oo intay isdedday ayay waxay fadhiisatay iriddii Cenayim, oo ku ag tiil jidka loo maro Timnaad, waayo, waxay aragtay inuu Sheelaah weynaaday, oo aan loo guurin iyada.
15 A ujrzawszy ją Judas, mniemał, że to nierządnica, bo zakryła była twarz swoję.
Markii Yahuudah arkay ayuu u maleeyey inay dhillo tahay; maxaa yeelay, wejigeeday qarisay.
16 Tedy ustąpiwszy do niej z drogi, mówił: Proszę niech wnijdę do ciebie; albowiem nie wiedział, żeby jego synowa była. I rzekła: Cóż mi dasz, żebyś do mnie wszedł?
Kolkaasuu ku soo leexday iyadoo jidka ag fadhida, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay aan kuu tagee; waayo, ma uu ogayn inay tahay gabadhii uu soddogga u ahaa. Kolkaasay waxay ku tidhi, Maxaad i siinaysaa aad ii tagtide?
17 I odpowiedział: Poślęć koźlątko z trzody; a ona rzekła: Daszże mi zastaw, aż mi je przyślesz?
Markaasuu wuxuu ku yidhi, Waxaan adhiga kaaga soo diri doonaa waxar. Iyana waxay tidhi, Rahaamad ma i siinaysaa intaad ii soo diraysid?
18 I rzekł: Cóż ci mam dać w zastaw? A ona odpowiedziała: Pierścień twój, i chustkę twoję, i laskę twoję, którą masz w ręce swej. Tedy jej dał, i wszedł do niej; a poczęła z niego.
Isna wuxuu yidhi, Maxaan rahaamad kuu siiyaa? Kolkaasay tidhi, I sii kaatunkaaga iyo xadhiggaaga, iyo ushaada aad gacanta ku haysatid. Kolkaasuu siiyey, oo uu u tegey iyadii, oo iyana xaggiisay ka uuraysatay.
19 A wstawszy odeszła, i złożywszy z siebie odzienie swoje, oblekła się w szaty wdowieństwa swego.
Kolkaasay kacday oo tagtay, oo intay indhashareerteedii iska dhigtay, ayay xidhatay dharkii carmalinimadeedii.
20 Potem posłał Judas koźlątko, przez rękę towarzysza swego Odolamitę, aby odebrał zastawę z ręki niewiasty onej; ale jej nie znalazł.
Markaasaa Yahuudah waxar adhiga ka soo diray oo wuxuu ugu soo dhiibay gacanta saaxiibkiis kii reer Cadullaam, inuu rahaamaddii ka soo qaado gacantii naagta, laakiinse iyadii wuu waayay.
21 I pytał mężów miejsca onego, mówiąc: Gdzie jest nierządnica ona, która była na rozstaniu tej drogi? Którzy odpowiedzieli: Nie było tu nierządnicy.
Markaasuu weyddiiyey dadkii degganaa meesheedii, oo wuxuu ku yidhi, Meeday dhilladii joogi jirtay Cenayim jidka dhinaciisa? Kolkaasay iyana ku yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin.
22 Wrócił się tedy do Judasa, i rzekł: Nie znalazłem jej; lecz i mężowie miejsca onego powiedzieli: Nie było tu żadnej nierządnicy.
Markaasuu ku noqday Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Iyadii waan waayay, dadkii meeshaa degganaana waxay igu yidhaahdeen, Halkan dhillo ma joogi jirin.
23 Tedy rzekł Judas: Niechże sobie ma ten zakład, abyśmy nie byli na wzgardę; otom posyłał to koźlątko, a tyś jej nie znalazł.
Markaasaa Yahuudah yidhi, Ha iska qaadato, waaba intaasoo aynu ku ceebownaaye; waayo, bal eeg, anigu waxaan u diray waxarkan, waana aad soo weyday iyadii.
24 I stało się, jakoby po trzech miesiącach, powiedziano Judzie, mówiąc: Dopuściła się nierządu Tamar, synowa twoja, a oto, już brzemienna jest z nierządu. Tedy rzekł Judas: Wywiedźcie ją, aby była spalona.
Oo waxay noqotay in muddo saddex bilood ku dhow dabadeed Yahuudah war loo soo sheegay, oo lagu yidhi, Gabadhii Taamaar oo aad soddogga u ahayd waa dhillowday; oo dhillanimadeedii bay ku uuraysatay. Markaasaa Yahuudah yidhi, Soo bixiya oo ha la gubo.
25 A gdy była wywiedziona, posłała do świekra swego, mówiąc: Z męża, którego te rzeczy są, jestem brzemienna. Przy tem powiedziała: Poznaj proszę, czyj to pierścień, i chustka, i laska?
Kolkaasay markii la soo bixiyey farriin u dirtay soddoggeed, oo waxay tidhi, Ninka alaabtan leh ayaa i uureeyey; oo waxay kaloo tidhi, Waan ku baryayaaye, bal hubso ninka leh kuwan ah kaatunka iyo xadhkaha, iyo usha.
26 Tedy poznawszy to Judas rzekł: Sprawiedliwsza jest nad mię, ponieważem jej nie dał Seli, synowi memu; i więcej jej nie uznał.
Markaasaa Yahuudah qirtay iyagii, oo wuxuu yidhi, Iyadu way iga xaqsan tahay, waayo, waxaan iyada siin waayay wiilkayga Sheelaah ah. Mar dambena uma uu tegin iyadii.
27 I stało się, gdy przyszedł czas rodzenia jej, oto bliźnięta były w żywocie jej.
Oo bal eeg, markii ay foolatay mataano baa ku jiray maxalkeeda.
28 A gdy rodziła, wytknęło rękę jedno dziecię, którą ująwszy baba, uwiązała u ręki nić czerwoną mówiąc: Ten pierwej wynijdzie.
Oo waxay noqotay, in markii ay foolatay uu midkood gacan soo bixiyey; markaasay umulisadii qaadatay dun guduudan oo ay gacantiisii ku xidhay, oo waxay tidhi, Kanaa soo hor baxay.
29 I stało się, gdy zasię wciągnęło rękę swoję, oto, wyszedł brat jego; i rzekła: Czemuś przerwał? na tobie niech będzie rozerwanie; i nazwała imię jego Fares.
Oo waxay noqotay, markuu gacanta dib u ceshaday, inuu walaalkiis soo baxay; oo iyana waxay tidhi, De maxaad u soo dustay? Sidaas daraaddeed magiciisii waxaa loo bixiyey Feres.
30 A potem wyszedł brat jego, na którego ręce była nić czerwona; i nazwała imię jego Zera.
Dabadeedna waxaa soo baxay walaalkiis, kii ay dunta guduudanu gacanta ugu xidhnayd; magiciisiina waxaa loo bixiyey Serax.

< Rodzaju 38 >