< ミカ書 4 >
1 末の日になって、主の家の山はもろもろの山のかしらとして堅く立てられ、もろもろの峰よりも高くあげられ、もろもろの民はこれに流れくる。
Laakiinse ugu dambaysta buurta guriga Rabbigu waxay ka taagnaan doontaa buuraha korkooda, oo kurahana way ka wada sara mari doontaa, oo dadyowguna iyaday u sii qulquli doonaan.
2 多くの国民は来て言う、「さあ、われわれは主の山に登り、ヤコブの神の家に行こう。彼はその道をわれわれに教え、われわれはその道に歩もう」と。律法はシオンから出、主の言葉はエルサレムから出るからである。
Oo quruumo badan baa halkaas tegi doona oo waxay odhan doonaan, Ina keena, oo aynu u kacno buurta Rabbiga, oo aynu tagno guriga Ilaaha reer Yacquub, oo isna wuxuu ina bari doonaa jidadkiisa, oo innana waxaynu mari doonnaa waddooyinkiisa, waayo, sharcigu wuxuu ka soo bixi doonaa Siyoon, erayga Rabbiguna Yeruusaalem.
3 彼は多くの民の間をさばき、遠い所まで強い国々のために仲裁される。そこで彼らはつるぎを打ちかえて、すきとし、そのやりを打ちかえて、かまとし、国は国にむかってつるぎをあげず、再び戦いのことを学ばない。
Oo isaguna dadyow badan buu u kala garsoori doonaa, oo quruumaha xoogga badan oo meel fog joogana wuu canaanan doonaa, oo iyana waxay seefahooda ka tuman doonaan marashiyo, warmahoodana manjooyin, oo quruunina quruun kale seef uma qaadan doonto, oo innaba mar dambe dagaal ma ay baran doonaan.
4 彼らは皆そのぶどうの木の下に座し、そのいちじくの木の下にいる。彼らを恐れさせる者はない。これは万軍の主がその口で語られたことである。
Laakiinse ninkood waluba wuxuu hoos fadhiisan doonaa geedkiisa canabka ah, iyo geedkiisa berdaha ah, oo ninna ma cabsiin doono iyaga, waayo, afkii Rabbiga ciidammada ayaa saas ku hadlay.
5 すべての民はおのおのその神の名によって歩む。しかしわれわれはわれわれの神、主の名によって、とこしえに歩む。
Waayo, dadyowga oo dhan mid kastaaba wuxuu ku socon doonaa magaca ilaahiisa, oo annaguna waxaannu ku socon doonnaa magaca Rabbiga Ilaahayaga ah weligayo iyo weligayoba.
6 主は言われる、その日には、わたしはかの足のなえた者を集め、またかの追いやられた者およびわたしが苦しめた者を集め、
Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaan soo shirin doonaa kuwa dhutiya, oo waxaan soo ururin doonaa kuwa la eryay iyo kuwa aan dhibay.
7 その足のなえた者を残れる民とし、遠く追いやられた者を強い国民とする。主はシオンの山で、今よりとこしえに彼らを治められる。
Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.
8 羊の群れのやぐら、シオンの娘の山よ、以前の主権はあなたに帰ってくる。すなわちエルサレムの娘の国はあなたに帰ってくる。
Oo kaaga munaaradda adhiga ahow, oo buurta dadka Siyoon ahow, adigay kuu iman doontaa, xukumaadda hore way kuu iman doontaa, taasoo weliba ah boqortooyada dadka Yeruusaalem.
9 今あなたは何ゆえわめき叫ぶのか、あなたのうちに王がないのか。あなたの相談相手は絶えはて、産婦のように激しい痛みがあなたを捕えたのか。
Haddaba bal maxaad u musannaabaysaa? Sow boqor kuma dhex joogo? Mase taliyahaagii baa halligmay? Oo ma sidaas daraaddeed baa xanuun ku qabtay sidii naag foolanaysa?
10 シオンの娘よ、産婦のように苦しんでうめけ。あなたは今、町を出て野にやどり、バビロンに行かなければならない。その所であなたは救われる。主はその所であなたを敵の手からあがなわれる。
Magaalada Siyoonay, xanuunso, oo foolo aad dhashide sida naag foolanaysa, waayo, hadda ayaad magaalada ka bixi doontaa, oo waxaad degganaan doontaa duurka, oo xataa waxaad tegi doontaa Baabuloon, oo halkaas ayaa lagaa soo samatabbixin doonaa, oo halkaas ayaa Rabbigu kaaga soo furan doona gacanta cadaawayaashaada.
11 いま多くの国民はあなたに逆らい、集まって言う、「どうかシオンが汚されるように、われわれの目がシオンを見てあざ笑うように」と。
Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.
12 しかし彼らは主の思いを知らず、またその計画を悟らない。すなわち主が麦束を打ち場に集めるように、彼らを集められることを悟らない。
Laakiinse iyagu ma ay yaqaaniin Rabbiga fikirradiisa, mana ay gartaan taladiisa, waayo, isagu wuxuu iyaga u ururshay sidii xidhmooyin loo wada meesha hadhuudhka lagu tumo.
13 シオンの娘よ、立って打ちこなせ。わたしはあなたの角を鉄となし、あなたのひずめを青銅としよう。あなたは多くの民を打ち砕き、彼らのぶんどり物を主にささげ、彼らの富を全地の主にささげる。
Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.