< Jesaja 56 >

1 Tiele diras la Eternulo: Gardu justecon kaj faru bonon; ĉar baldaŭ venos Mia savo kaj malkaŝiĝos Mia vero.
Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.
2 Feliĉa estas la homo, kiu tion faras, kaj la homido, kiu sin tenas je tio, kaj observas sabaton, por ne malsanktigi ĝin, kaj gardas sian manon, por fari nenian malbonon.
Waxaa barakaysan ninkii waxan sameeya iyo binu-aadmigii waxan xajiya, oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo gacantiisana dhawra si ayan innaba wax shar ah u samayn.
3 La fremdulo, kiu aliĝis al la Eternulo, ne diru: La Eternulo elapartigos min de Sia popolo; kaj la eŭnuko ne diru: Jen mi estas arbo velkinta.
Shisheeyihii Rabbiga raacay yuusan odhanin, Hubaal Rabbigu dadkiisa wuu iga sooci doonaa, oo ninkii bohon ahuna yuusan odhanin, Bal eega, anigu waxaan ahay geed qallalan.
4 Ĉar tiele diras la Eternulo pri la eŭnukoj, kiuj observas Miajn sabatojn, elektas tion, kio plaĉas al Mi, kaj tenas sin je Mia interligo:
Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bohommada sabtiyadayda dhawra, oo wixii iga farxiya doorta, oo axdigayga aad u xajiya
5 Al ili Mi donos en Mia domo kaj inter Miaj muroj lokon kaj nomon pli bonan ol al filoj kaj filinoj; Mi donos al ili nomon eternan, kiu ne ekstermiĝos.
waxaan gurigayga iyo derbiyadayda dhexdooda ku siin doonaa meel iyo magac ka sii wanaagsan wiilal iyo gabdhoba. Waxaan iyaga siin doonaa magac weligiis sii waaraya oo aan la baabbi'in doonin.
6 Kaj la fremdulojn, kiuj aliĝis al la Eternulo, por servi al Li kaj ami la nomon de la Eternulo, por estis Liaj sklavoj, ĉiujn, kiuj observas sabaton, por ne malsanktigi ĝin, kaj kiuj tenas sin je Mia interligo,
Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba shisheeyayaasha i raaca inay ii adeegaan, iyo inay magacayga jeclaadaan, oo ay addoommo ii ahaadaan, mid kasta oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo axdigaygana aad u xajiya,
7 Mi venigos sur Mian sanktan monton kaj ĝojigos en Mia preĝejo; iliaj bruloferoj kaj buĉoferoj estos favore akceptataj sur Mia altaro; ĉar Mia domo estos nomata preĝejo por ĉiuj popoloj.
kuwaas oo dhan buurtayda quduuska ah ayaan keeni doonaa, oo gurigayga tukashada ayaan kaga farxin doonaa. Qurbaannadooda la gubo iyo allabaryadooda ay meeshayda allabariga ku kor bixiyaan waa la aqbali doonaa, waayo, gurigayga waxaa dadyowga oo dhan loogu yeedhi doonaa guriga tukashada.
8 La Sinjoro, la Eternulo, kiu kolektas la dispelitojn de Izrael, diras: Al liaj kolektitoj Mi kolektos ankoraŭ pli.
Sayidka Rabbiga ah oo masaafurisyadii dadka Israa'iil soo ururiyaa wuxuu leeyahay, Weliba waxaan u soo ururin doonaa qaar kale oo aan ahayn kuwoodii la ururiyey.
9 Venu por manĝi, ho ĉiuj bestoj kampaj, ĉiuj bestoj arbaraj.
Dugaagga duurka jooga oo dhan iyo dugaagga duudda oo dhammow, kaalaya aad wax cunteene.
10 Liaj gardistoj ĉiuj estas blindaj, senkomprenaj; ili ĉiuj estas hundoj mutaj, kiuj ne povas boji, dormemaj, kuŝemaj, amantaj dormeti.
Waardiyayaashiisu waa indha la' yihiin, oo kulligoodna aqoon ma leh, dhammaantoodna waa eeyo carrab la' oo aan ciyi karin. Way riyoodaan oo jiifaan, oo jecel yihiin inay hurdaan.
11 Tamen ili estas hundoj avidaj, kiuj ne povas satiĝi; kaj ili estas paŝtistoj, kiuj nenion komprenas; ĉiu iras sian vojon, ĉiu siaflanke serĉas sian profiton, dirante:
Eeyadu way hunguri weyn yihiin, weligoodna ma dhergi karaan, oo kuwaasuna waa adhijirro aan innaba wax garan karin. Kulligood waxay u leexdeen jidkoodii, oo midkood kastaaba xataa kii ugu dambeeyey wuxuu iska daba galay faa'iidadiisii.
12 Venu, mi prenos vinon, kaj ni trinku ebriigaĵon; kaj kiel estas hodiaŭ, tiel estos morgaŭ, multe kaj ankoraŭ multe pli.
Oo waxay yidhaahdaan, Kaalaya khamri baan doonan doonaaye oo wax lagu sakhraamo baynu ka soo dhergi doonnaaye, oo berrina waxay ahaan doontaa sida maanta oo kale, oo weliba ka sii weyn.

< Jesaja 56 >