< Ecclesiastes 7 >

1 A good name [is] better than precious ointment; and the day of death than the day of one's birth.
Magac wanaagsanu waa ka sii fiican yahay saliid qaali ah, oo maalinta dhimashaduna waa ka fiican tahay maalinta dhalashada.
2 [It is] better to go to the house of mourning, than to go to the house of feasting: for that [is] the end of all men; and the living will lay [it] to his heart.
In guriga diyaafadda la tago waxaa ka wanaagsan in guriga baroorashada la tago, waayo, taasaa dadka oo dhan u dambaysa, oo kuwa nooluna qalbigay taas gashan doonaan.
3 Sorrow [is] better than laughter: for by the sadness of the countenance the heart is made better.
Qosol waxaa ka wanaagsan murug, waayo, qalbigu wuxuu ku wanaagsanaadaa wejiga caloolxumadiisa.
4 The heart of the wise [is] in the house of mourning; but the heart of fools [is] in the house of mirth.
Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.
5 [It is] better to hear the rebuke of the wise, than for a man to hear the song of fools.
Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo.
6 For as the crackling of thorns under a pot, so [is] the laughter of the fool: this also [is] vanity.
Waayo, qosolka nacasku waa sida qodxo dheri hoostiis ka jacjac leh, oo taasuna waa wax aan waxba tarayn.
7 Surely oppression maketh a wise man mad; and a gift destroyeth the heart.
Hubaal dulmigu nin xigmad leh wuu waalaa, oo laaluushkuna qalbiguu ka kharribaa.
8 Better [is] the end of a thing than its beginning: [and] the patient in spirit [is] better than the proud in spirit.
Wax bilowgiisa waxaa ka wanaagsan dhammaadkiisa, oo kii dulqaadasho badanuna waa ka wanaagsan yahay kii kibir badan.
9 Be not hasty in thy spirit to be angry: for anger resteth in the bosom of fools.
Xanaaq ha ku degdegin, waayo, xanaaqu wuxuu ku jiraa laabta nacasyada.
10 Say not thou, What is [the cause] that the former days were better than these? for thou dost not inquire wisely concerning this.
Ha odhan, Waayihii hore bal maxay kuwan uga fiicnaayeen? Waayo, xaalkan si caqliya u weyddiin maysid.
11 Wisdom [is] good with an inheritance: and [by it there is] profit to them that see the sun.
Xigmaddu sida dhaxal oo kale ayay u wanaagsan tahay, oo waa u faa'iido kuwa qorraxda arka.
12 For wisdom [is] a defense, [and] money [is] a defense: but the excellence of knowledge [is], [that] wisdom giveth life to them that have it.
Waayo, xigmaddu waxay wax u daafacdaa sida lacagtu wax u daafacdo oo kale, laakiinse aqoonta faa'iidadeedu waa in xigmaddu ay nabadgeliso kuwa iyada haysta.
13 Consider the work of God: for who can make [that] straight, which he hath made crooked?
Bal Ilaah shuqulkiisa ka fiirso, waayo, wixii uu isagu qalloociyey bal yaa toosin kara?
14 In the day of prosperity be joyful, but in the day of adversity consider: God also hath set the one over against the other, to the end that man should find nothing after him.
Maalintii aad barwaaqaysan tahay aad u faraxsanow, oo maalintii aad dhibaataysan tahayna aad u fiirso in Ilaah mid u sameeyey sida kan kale si uusan ninna u ogaan karin waxa isaga dabadiis jiri doona.
15 All [things] have I seen in the days of my vanity: there is a just [man] that perisheth in his righteousness, and there is a wicked [man] that prolongeth [his life] in his wickedness.
Waxaa jira nin xaq ah oo xaqnimadiisa ku halligma iyo nin shar ah oo sharnimadiisa ku cimri dheeraada; labadaba wakhtigii aan waxtarka lahayn ee aan noolaa ayaan arkay.
16 Be not righteous over much; neither make thyself over wise: why shouldst thou destroy thyself?
Aad xaq ha u noqon oo hana iska dhigin mid aad xigmad u leh, waayo, bal maxaad isu baabbi'inaysaa?
17 Be not over much wicked, neither be thou foolish: why shouldst thou die before thy time?
Aad sharrow ha u noqon, oo nacasna ha noqon, waayo, bal maxaad wedkaaga ka hor u dhimanaysaa?
18 [It is] good that thou shouldst take hold of this; yes, also from this withdraw not thy hand: for he that feareth God shall escape from them all.
Waxaa kuu wanaagsan inaad tan xagsatid, oo aadan gacantaadana dib uga ceshan, waayo, kii Ilaah ka cabsada waxan oo dhan ayuu ka soo bixi doonaa.
19 Wisdom strengtheneth the wise more than ten mighty [men] who are in the city.
Xigmaddu kan xigmadda leh way uga xoog badan tahay toban taliye oo magaalada jooga.
20 For [there is] not a just man upon earth, that doeth good, and sinneth not.
Waayo, dhulka laguma arag nin xaq ah oo wanaag fala, oo aan dembaabin.
21 Also take no heed to all words that are spoken; lest thou hear thy servant curse thee:
Wax kasta oo lagu hadlo ha dhegaysan, waaba intaasoo aad maqashaa addoonkaaga oo ku habaarayee.
22 For often also thy own heart knoweth that thou thyself likewise hast cursed others.
Waayo, marar badan ayaa qalbigaagu og yahay inaad adba saasoo kale u habaartid kuwo kale.
23 All this have I proved by wisdom: I said, I will be wise; but it [was] far from me.
Waxyaalahan oo dhan xigmad baan ku tijaabiyey. Waxaan is-idhi, Xigmad baan yeelan doonaa, laakiinse xigmaddii way iga fogayd.
24 That which is far off, and exceedingly deep, who can find it out?
Waayo, bal yaa gaadhi kara wixii aad u fog ee mool dheer?
25 I applied my heart to know, and to search, and to seek out wisdom, and the reason [of things], and to know the wickedness of folly, even of foolishness [and] madness:
Waxaan qalbigayga oo dhan u diyaariyey oo u soo jeediyey inaan ogaado, oo baadho, oo aan doondoono xigmad iyo wax kasta sababtiisa, iyo inaan ogaado in sharnimadu tahay nacasnimo, iyo in doqonnimadu tahay waalli.
26 And I find more bitter than death the woman whose heart [is] snares and nets, [and] her hands [as] bands: whoever pleaseth God shall escape from her; but the sinner shall be taken by her.
Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.
27 Behold, this have I found, saith the preacher, [counting] one by one, to find out the account:
Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Bal eega, si aan sababta u garto ayaan midba mid ku daray oo waxaasaan soo helay.
28 Which yet my soul seeketh, but I find not: one man among a thousand have I found; but a woman among all those have I not found.
Oo weliba waan sii doondoonayaa, laakiinse ma aan helo. Kun nin dhexdood ayaan nin qudha ka helay, laakiinse kuwaas oo dhan xataa naag qudha kama helin.
29 Lo, this only have I found, that God hath made man upright; but they have sought out many inventions.
Bal eeg, waxan keliya oo aan soo ogaaday in Ilaah binu-aadmiga sameeyey iyagoo qumman, laakiinse waxay doondooneen hindisooyin badan.

< Ecclesiastes 7 >